Luuq (dayniiile.com)-Sida BBC Somali sheegtay waxaa biyaha roobku qaadeen Sh. Cabdullahi Xaaji Maxamuud oo ka mid ahaa dadka shacabka ku wacyi gelin jirey inay ka fogaadaan daadadka ka dhashay biyaha roobka gaar ahaan Gobolka Geddo.
Marxuumka nin uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Maxamed Cusmaan Rashiid ayaa la socday marxuumka markii daadadku qaadayeen xili uu rabay inuu soo fiirsado beer uu ku lahaa meel u dhaw gurigiisa.
“aniga iyo adeerkeey waxaan rabnay inaan biyaha dhex dabaalano laakiin biyihii ayaa na dafay,aniga Alle ayaa I samatabixiyay balse adeer waan waynay oo xitaa meydkiisa waan la’nahay ilaa iminka”ayuu yiri magacaabo Maxamed Cusmaan Rashiid.
Maanta oo ah Jimco waxaa wali la baadi goobayaa maalintii labaad meydka Sh. Cabdullahi Xaaji.Maxamuud oo shalay biyuhu la tageen.
Muuqaalo ayuu hore isaga duubay wadaadka isagoona ku faafiyay baraha bulshada xili uu ka sheekeynaayay daadadka ka dhashay biyaha roobka.
“Waad aragtaan meesha ay biyihi ii joogaan, ilaahoow halaag kuma aan waydiisan,” ayuu ku sheegay Sheekh Cabdulaahi kahor inta aysna biyaha la tegin sida ay xustay BBC Somalia.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Sheekh Cabdullahi oo dadka wacyi galin jiray dadadka Baraha Bulshada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here