Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo Subaxnimadaan Deegaanka Shabeeloow ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi Dowladu ka fulisay weerar duqeymo madaafiic ah.

Shalay waxaa ka dhacay dagaal socday saacado badan kaasoo la isku riiqmay waxaana la soo sheegayaa in wali gudaha deegaankaasi howdkiisa la iskula jiro oo ay si rasmi ah uga dhamaan Kooxda Alshabaab.

Advertisement

Saaka ayaa la soo shegayaa in Milatariga Soomaaliya uu madaafiic ku garaacay dhanka ay Alshabaab kaga sugan yihiin deegaanka Shabeeloow inkastoo warar rasmi ah laga helin.

Wararka horudhaca ah ee laga helaayo Dowlada ayay ku sheeganeysaa inay khasaare xoggan ku gaarsiiyeen kooxda Alshabaab marka la eego duqeymaha saaka.

Dhanka kale  Ciidamada daraawiishta Galmudug,Milatariga Soomaaliya iyo Macawisleyda deegaankaas intii kaga dhaawacantay dagaalkii shalay ayaa la sheegay in Muqdisho la soo gaarsiiyay si loogu dabiibo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here