NEW DELHI (DAYNIILE.COM)-Dowlada Ra’iisulwasaare Narendra Modi  ee dalka India ayaa mar kale damacsan inay soo celiso oo ansixiyo sharci ay hore 2019-kii u soo saareen balse muslimiintu ka hor yimaadeen.

Sharcigaaan ayaa ah midka jinsiyadda ee ‘Muslim-diidka, waxaana hada mar kale dibad baxyo sameeyeen muslimiinta India oo diidan gabi ahaanba sharcigaasi oo ay u arkaan mid lagu takoorayo.

Advertisement

Sidoo kale Muslimiinta waxay ku eedeeyeen in ujeedka Dowlada Ra’iisulwasaare Narendra Modi inay mid la rabo in dadka Muslimiinta ah dhalashada lagala laabto inkastoo dowladu beenisay.

Sharciga muranka dhaliyay ee 2019 ee ay soo saartay xukuumadda Modi ayaa u oggolaaday dhalashada Hindiya qaxootiga aan Muslimiinta ahayn ee ka yimid waddamada deriska la ah Hindiya.

Kooxaha Muslimiinta ayaa sheegaya in sharciga, oo lagu daray soo jeedinta Diiwaangelinta Muwaadiniinta (NRC), ay takoori karaan 200 milyan oo Muslimiin ah oo Hindiya ah oo ah dadka saddexaad ee Muslimiinta ugu badan adduunka.

Protesters from Shaheen Bagh hold placards as they take part in a demonstration against India''s new citizenship law at Jantar Mantar, in New Delhi on January, 29, 2020. (Photo by Sajjad HUSSAIN / AFP)

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleWararkii ugu danbeeyay xaalada reer Falastiin
Next articleTaliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Xildhibaan Xaadoole oo la afuray ciidamada amniga Xamar+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here