Iyadoo ay sii kordhayaan weerarada Israel ee Gaza, Dowlada Carbeed ee Urdun ayaa ka digaysa xannibaadaha ay Israa’iil ku soo rogtay gelitaanka masaajidka Al-Aqsa ee ku yaal Bariga Quddus ee la haysto inta lagu jiro Ramadaanka.

UNRWA waxay leedahay gaajo ayaa ka jirta meel kasta oo Gaza ah iyadoo Ramadaanku bilaabmayo oona marar badan lagu baaqay xabad joojin degdeg ah inta lagu jiro bisha barakeysan.

Advertisement

Ismail Haniyeh, oo ah madaxa xafiiska siyaasada ee Xamaas, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay ku guuldaraysatay inay gasho heshiis xabbad-joojin ka hor bisha Ramadaan, isagoo leh

“Ma doonayno heshiis aan soo afjarin dagaalka Gaza.”ayuu yiri
Ismail Haniyeh.

No description available.

Sawirka sida aaD ka arki karto waxaa muuqanaya waa barakacayasha reer Falastiiniyiinta oo diyaarsanaya cunto afurka maalinta koowaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan, bannaanka teendho ku taal Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Dhanka kale Ugu yaraan 31,045 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 72,654 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

SOURCE AL-JAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleSomalia oo ka qeybgashay  shirweynaha Arrimaha Haweenka Adduunka
Next articleMuslimiinta Hindiya oo mar kale ka soo horjeestay sharci takooraya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here