Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo Dagaalka u dhexeeya Isra’iil iyo Xamaas ayaa laga soo sheegayaa xaalad adag oo bini’aadanimo.
Kumanaan shacab reer Falastiin ah ayaa hoy la’aan ah,cunto la’aan ah ,biya la’aan ah,wal wal iyo oohin ayayna saaacad kasta wajahyaan.
Kuwa sheegta Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobe ayaa dhankooda faafiyeen in 10-kii daqaaqiba cunug falastiini ah uu u dhinto duqeymaha Yuhuuda.
Dhanka kale warbaahinta Dunida ayaa si aad ah u hadal heysa saacadihii ugu danbeysay hadal ka soo yeeray Ra’iisulwasaaraha Isra’iil Binyamin Natanyahu kaasuu ku qaadacay baaqii beesha Caalamka ee ahaa in xabad joojin laga sameeyo dagaalka kala dhexeeya Xamaas si dadka shacabka ah ee dhibaateysan loo caawiyo.
Natanyahu wuxu si cad u sheegay ineysan marna joojineyn dagaalka ilaa iyo inta ay Xamaas kaga saarayaan Gaza.
“Hadii aan aqbalno xabad joojinta waxay la micno tahay inaan isu dhiibnay Xamaas”ayuu yiri Natanyahu
Yuhuudkaan wuxuu tusaale usoo qaatay in Mareykanku diideen xabad joojin  weerarkii Alqaacida ku qaday 2001-dii sidaas darteed ay iyaguna diidan yihiin.
“Dagaalku wuu soconayaa anagaana guuleysaneyna”ayuu yiri Netanyahu.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here