Waxaa ka dhacday Dalka Jamhuuriyadda Czeck dhacdo la yaab leh kadib markii nin hubeysan uu weeraray Jaamacad halkaasoo uu ku dilay dad badan halka kuwa kalana uu dhaawacay.

Dhacdadaan oo ka dhacay Magaalada Prague ayaa waxaa gaystay Nin hubeysnaa oo magaciisa lagu sheegay David Kozak kaasoo 24 jir ah islamarkaana ka mid ahaa isla ardeyda Jaamacada uu weeraray.

Advertisement

14 ruux ayuu dilay sidoo kalana 25 kalana wuu dhaawacay ka hor inta aysan booliisku iman oo is rasaaseyn kadibna uu ugu danebyn isagii is dilay.

Wararka la xiriira ninkaan dadka laayay ayaa sidoo kale sheegaya inuu aabihii meel kale ku soo dilay.

Dhanka kale Madaxweynaha Dalka Czeck Petr Pavel ayaa shacabkiisa kala hadlay warbaahinta wuxuuna u sheegay inay inay midoobaan, xili dhanka kalana uu ku dhawaaqay Sabtida inay noqon doonto maalin qaran oo la baroor-diiqayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleSarkaal ka tirsan Wasaarada shaqada  iyo shaqalaha oo sheegay wax lala yaabo.
Next articleSAWIRRO: Shacabka Yeman oo taageero u muujiyay reer Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here