Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay inay deegaanka Ceelasha-Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ku qabatay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

“Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ku sugan deegaanka Ceelasha-Biyaha ayaa gacanta ku dhigay gaari siday walxaha qarxa,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay bogga ay NISA ku leedahay shabakadda X oo hore u aheyd Twitter.

Advertisement

Taliska hay’adda NISA ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka ay toogasho ku dileen darawalkii waday gaariga qaraxyada siday ee gacanta lagu dhigay, kadib markii uu darawalkaasi isku dayay inuu baxsado.

“NISA waxaa ka go’an ka hortagga iyo fashilinta dhammaan qorshayaasha ay argagixisadu isku dayaan inay dadka ku dhibaateeyaan.” ayuu raacisay qoraalkan.

Sawirada gaarin iyo muuqallo waxyaabaha qarxa ayaa sidoo lagu soo bandhigay bogga NISA.

 

Previous articleRW Xamse oo ballan-qaaday in hoos loo dhigayo kharashaadka badan ee lagu tago Xajka
Next articleHaweeney seygeeda ku gubtay magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here