War Saxaafadeed
Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay 28 xubnood oo 25 ka mid ah ay doonayeen in ay ku biiraan Khawaarijta.
Xubnahan oo watay Gaari nuuca loo yaqaano Caasiga kana soo baxay deegaan hoos taga degmada Afgooye ayaa gcanta Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka soo galay xilli ay doonayeen in ay u tallaabaan gobolka Shabeellaha Dhexe.
28-ka qof ayaa kala ahaa; Darawalkii gaariga, 2 labo caawiye/Kirishbooy iyo 25 isugu jira caruur iyo rag da’ dhexaad ah kuwaas oo qirtay in loo waday in la askareeyo kuna biiraan Maleeshiyaadka Khawaarijta.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxaa markasta ka go’an in ay meelkasta ku beegsato cadawga Khawaarijta ah ee ku hawlan dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.
Dhammaad
May be an image of text
Previous articleMagaalada Bardaale oo xaalad adag gashay markii roobab waa weyn ay harqiyeen+SAWIRRO
Next articleRa’iisulwasaare xigeenka oo amaanay doorka Haweenka ee nabadeynta+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here