MUQDISHO (DAYNIILE.COM-Ra’iisulwasaarihii hore Prof.Cali Maxamed Geeddi ayaa si adag ula hadlay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Dani kadib markii uu ka hor yimid ansixinta Dastuurka.

Masuulkaan wuxuu sheegay in dhamaan maamul goboleedyadu iyaga gacantooda ku soo xusheen Xildhibaaanada labada aqal islamarkaana ay iyagu ku matalaayeen Paarlamaanka.

Advertisement

“Puntland Xildhibaano ayaa matala, Xaq uma laha Saciid  Deni inuu ka qeybgalo ansixintii Dastuurka ,kuwii matalayayna waxay u codeeyeen dastuurka gaar ahaan 4-ta cutub wax ka badalkooda”ayuu yiri Cali Geedi

Cali Geedi wuxu intaasi ku daray in xildhibaanadii ay soo xusheem maamul Goboleedyadu inay noqdeen xildhibaano iyo sanataro qaran kaliyana lagu leeyahay wada tashi.

“Hada shirkii baarlamaanka ma waxaa fadhiyay madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada waa maya laakiin waxaa fadhiyay Xildhibaanadii ay soo xusheen iyagaana ku matala”ayuu yiri Cali Geeddi

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMaamulka Puntland oo ku dhawaaqay inay kalsoonida kala laabteen Dowlada faderaalka.
Next articleWararkii ugu danbeeyay Xaalada Qaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here