GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa sheegaya in ciidamada Maamulkaasi xireen saaka dhalinyaro ka hor timid siyaasada Madaxweynaha Maamulk Puntland Saciid C/laahi Deni.
Dhalinyaradaan oo isasoo abaabulay horeyna u soo diyaarsaday boorar ka dhan ah siyaasada Madaxweynaha Puntand ayaa saaka salaadii ciida lagu arkay garoonka cayaaraha ee Cawaale kaasoo lagu oogayay salaada Ciida.
Dhalinyaradaan waxay boorar ay wateen soo qoreen ereyo ay ku muujiyeen sida Saciid Dani uga gaabsaday inuu wax ka qabto mashaariic Puntland loogu talo galay oo ay Dowlada Faderaalku xanibtay iyo waxqabad la’aanta maamulka ee xiligaan.
Ciidamada ayaa guud ahaan dhalinyadii abaabulka lahaa waxay ku shubeen xabsiga Magaalada Gaalkacyo kadib amar ka soo baxay maamulka Gobolka Mudug xili dhalinyaradu ku adkeysteen inay dadka meesha isugu yimid u muujiyaan ujeedka isu soo baxooda.
War hore uga soo baxay Maamulka Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan wax ugu yeereen kuwa wada kicinta bulshada oo waliba ay ku eedeeyeen inay yihiin dhalinyaro ay soo abaabushay Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM