Ciidamo ka tirsan kuwa Dalka Kenya ayaa maanta qarax lagula eegtay halka lagu magacaabo Warta cagey ee deegaanka xeryaha Dhadhaab.

Qaraxa waxaa si gaar ah loola eegtay saraakiil saarnaa gaariga GSU oo loogu tala galey iney ilaaliyaan imtixaanka KCPE ee Dalka Kenya.

Laba askari oo midi sarkaal ahaa ayaa ku  dhintay halka kuwa kalana ku dhaawacmeen.

Qaraxaan wuxuu ku soo aadayaa xili maalin ka hor wasiirka Gaashaandhiga Kenya uu ugu goodiyay madaxda deegaanada in iyaga lagula xisaabtami doono qarax danbe haduu dhaco madaama sida uu sheegay Alshabaab aysan qarax geysan karin ilaa iyo inay helaan qof deegaanka ah oo iyaga u sahlaya qaraxa.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iisulwasaaraha oo Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim+Sawirro
Next articleDAAWO VIDEO: Cali Jeyte Cusmaan oo markii ugu horeysay ka hadlay Xilka loo magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here