La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Ciidamada Macawisleyda mudane Cali Jeyte Cusmaan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xilka loo magacaabay iyo sida uu u arko.
Cali Jeyte wuxuu sheegay inuu uga mahadcelinaayo Madaxweynaha Soomaaliya Xilka uu u idmaday islamarkaana uu diyaar u yahay shaqadaas.
Wuxuu intaas ku daray inuu ku faraxsan yahay waliba xilka loo magacaabay isagoona Aĺle ka baryay inuu ku asturo xilka iyo shaqada shacabku ka filayaan.
Dhanka kale mar uu soo hadal qaaday dagaal beeleedyada ka jira Gobolka Shabeelaha dhexe ayuu ugu baaqay ciidamada Booliiska iyo Milatariga inay kala dhex galaan xoog iyo xeelad tii soconeysa.
“Dagaal beeleed la waa cid guul ka gaarta,yaa ii sheegi kara Qabiil ku duulay qabiil kale ee dhul uu ka qabsaday wali heysta”ayuu yiri La taliyaha Madaxweynaha
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleQarax dhimasho sababay oo Ciidamada Kenya lagula eegtay nawaaxiga Dhadhaab
Next articleWafdi ka socda Dowlada Somalia oo Dalka K/afrika kula kulmeen Jaaliyada Soomaalida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here