Johansburg (dayniiile.com)-Wasiir  ku xigeenka Arrimaha dibadda  Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Dalka Koonfur-Afrika halkaasuu kula kulmay Jaaliyada Soomaalida.

Kulankaan oo ka dhacay Johansburg ayaa looga hadlay arimo ku saabsan nolosha Soomaalida ee Dalkaasi iyo sidii Somaalida looga  dhageysan lahaa  dhibaatooyinka dalkaasi ku heysta.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ka mida wafdiga Wasiir ku xigeenka ayaa shirarkaasi uga warbixiyay Warbaahinta Dowlada..

Xildhibaanka wuxuu daboolka ka qaaday inay la kulmeen Culumada iyo Ganacaatada  Soomaalida ee ka xamaalata Dalkaasi,waxay intooda badan ka cabanyeen qolooyin Dowlada ka socda oo maalmahaan danbe wadaan qorshe ay ku xirayaan Tukaanada Soomaalida.

Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheeegay inay goor dhaw la kulmi doonaan  Masuuliyiinta Koonfur Afrika si ugala hadlaan xaalada Soomaalida iyo cabashafooda.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDAAWO VIDEO: Cali Jeyte Cusmaan oo markii ugu horeysay ka hadlay Xilka loo magacaabay
Next articleXamze Barre oo soo xiray Shirweynaha Dhiirigelinta Waxsoosaarka Dalka.+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here