Muqdisho: 4 Sebtember, 2023: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.
Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.
Previous articleDagaal qaraar oo ka qarxay deegaanka Daaru-Nimca iyo Ciidamada Dowlada oo isaga baxay.
Next articleAlshabaab isku soo dhiibay Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here