Wararka ugu danbeeya ee laga helaayo Yuhuuda ayaa sheegaya inay quus ka joogaan isku daygoodii ahaa inay wax kasta xoog ku fuliso waxaana macquula xabad joojin mar kale inay aqbasho.

Inkastoo wali  Khilaafku  weli taagan yahay balse Israa’iil iyo Xamaas ayaa u furan xabbad joojin mar kale la kala saxiixdo
Sida laga soo xigtay laba ilo oo dhanka  Dalka Masar ah.

Advertisement

Israa’iil iyo Xamaas waxay labaduba u furan yihiin xabbad-joojin cusub iyo sii dayn la haystayaal ah, inkastoo ay weli isku khilaafsan yihiin sida loo dhaqangelinayo.

Xamaas waxay ku adkaysanaysaa inay dejiso liiska la haystayaasha si hal dhinac loo sii daayo, waxayna dalbanaysaa in ciidamada Israa’iil ay dib uga noqdaan khadad hore loo go’aamiyay, ilo-wareedyada ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Halka Israa’iil ay ogolaatay in Xamaas ay dejiso liiska, waxay codsatay in la sameeyo waqti iyo in la arko liiska si loo cayimo wakhtiga iyo muddada xabbad joojinta.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Israa’iil ay diiday in ay ka baxdo meelaha Xamaas ay dalbaneyso inay ka baxaan.

Shacabka Yuhuuda waxay joogto u dhigaan dibad baxyo ay kui dalbanayaan in xabad joojin lala galo Xamaas si maxaabista la isu dhaafsado madaama ay shaqeyn waysay awood sheegashadii Yuhuuda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDAAWO: Qaabka Madaxtooyada kadib markii ay ciidamada Somalia Amniga kala wareegeen ATMIS
Next articleIsra’iil oo sheegtay inay heshay godkii ugu weynaa Gaza+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here