KANSAS (DAYNIILE.COM)-Waraka laga helaayo Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in rasaas lagu furey Dad shacaba ay sababtay  dhimasho iyo dhaawac.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday magaalada Kansas ee gobolka Missouri ee dalka Mareykanka kadib markii kooxo hubeysan rasaas ooda uga qaadeen taageerayaal koox ciyaarta kubad tuurka Mareykanka.

Advertisement

Rasaasta waxaa ku dhintay 1 ruux halka 22 kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo badankood liitaan’sidoo kale waxaa ku jira dhaawacyada 8 carruur ah.

Shacabka la laayaya ayaa ahaa taageerayaal u dabaal-dagayay guushi ay kooxda Kansas City Chiefs ay todobaadkaan kasoo hoysay Koobka NFL ee Kubad-tuurka Mareykanka.

Taliyaba Booliiska Magaalada Kansas oo lagu magacaabo  Stacey Graves ayaa mar uu ka hadlaayay falkaani wuxuu sheegey inay sedex ruux usoo xireen isla-markaana la baarayo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMaamul Goboleedyada Dalka oo qaadacay shirkii xeer ilaaliyayaasha ee Muqdisho ka furmay
Next articleGacan ku dhiigle dil ka gaystay Garowe oo la soo qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here