Kismaayo (dayniiile.com)- wararka laga helaayo Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in roobab waa weyn ay saacidihii ugu danbeeyay ka da’een Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolkaasi.

Daadad ka dhashay biyaha roobabkaani ayaa harqiyay qaar ka mida ah xaafadaha Magaalada Kismaayo sida shaqaalaha iyo Isku filn,xili biyuhu guryaha ugu galeen qoysaska.

Advertisement

Wararka laga helaayo Kismaayo ayaa intaasi ku daraya in roobabkaani ay si gaar ah u saameeyeen dadka danta yar ee degan guryaha liita iyo kuwa kaamamka degan ee awalba ku jiray aqalo ka sameysan cooshado.

Sidoo kale wararka ayaa tilmamaya in roobabku intooda badan ay ku hooreen duleedka Kismaayo halka lagu magacaabo  Cabdalle-Biroole halkaasoo ay biya badan fadhiyaan.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Jubaland uu sheeegayay in roobabka ka da’ay Gobolada Maamulka Jubaland uu u badan yahay Gobolka Geddo islamarkana ay hayaan geerida 14 ruux oo roobabkaasi ku baxay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxkamada Dowlada oo baafineysa Maamulaha Xafiiska Canshuuraha Beriga ee Warta Nabada
Next articleEedeysanayaal hore loo xukumay oo maanta hor tagay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here