Muqdisho (dayniiile.com)-Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta dhageystay eedeysanayaal racfaan ka qaatay xukun hore ay ugu riday  maxkaada gobolka banaadir.

Eedeysanayaasha oo ka tirsan hay’ada socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa maanta la dhegestay racfaan qaadashooda waxay salka ku heyso.

Advertisement

Eedeysanayaasha oo afar ruux ayaa kala ah:-

1-Saabir Xasan C/laahi oo hore loogu xukumay sedex sano

2-C/laahi Maxamuud Cosoble oo hore loogu xukumay  hal sano
3-Cumar Macalin Nuur  oo hore loogu xukumat hal sano

4-Aadan Maxamed Cabdi  oo maxkamadu fasaxday balse ay ku dhan yihiin xeer ilaalinta

Xeer ilaaliye xigeenka Maxmada ayaa sheegay in xukunkii lagu fasaxay eedeyane Aadan Maxamed Cabdi uu ahaa mid baadil ah sharcigana aan wafaqsaneyn wadada loo maray in la fasaxo isagoo tusaale u soo qaatay qodobo dhowr ah oo sida uu sheegay la baal maray sida inaaney maxkamadii sii daysay cadeyn eeda loo heystay waqtigey dhacday iyo goobta ay ka dhacday.

Si kastaba Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ayaa laga sugayaa inuu go’aan ka qaato racfaan qaadashadaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleRoobab waa weyn oo harqiyay xaafadaha Kismaayo
Next articleDowlada oo mar kale ku dhawaaqday inay dhagaxyada ka qaadayaan laamiyada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here