MOSKOW (DAYNIILE.COM)-Kadib duulan Ukraine ay qaaday maalmo ka hor loo oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukarine kuwaasoo si lama filaan ah loola beegsaday saldhiyo Milateri oo ruushku leeyahay ugu dambeyn Dowlada Russia ayaa qaaday talaabo weerar aargudasho u muuqda.
Weerarka oo xalay dhacay waxay Ruushku ku qaadeen caasimada Ukarine ee Kyiv,waxayna ruushku adeegsadeen duqeyn madaafiic iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Inkastoo warar madax banaan aan laga helin hadana Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa saxaafada u sheegay in weerarkaani ruushku ku dileen 4 ruux iyo dhaaawaca tira intaasi ka badan.
Weerarkaani wuxuu ku soo aadaya xili maalmo ka hor markii Donald Trump oo wadahadal la yeeshay Putin uu si cad u sheegay in madaxweynaha Ruushku u u sheegay in weerar aargudasho ah qaadi doono.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM