1. Nin Kitaab Qur’aan ka xaday Masjidka, kadibna ku Akhristay Gurigiisa.

2. Nin Deiska Lacag ka xaday kadibna Lacagtii ku darsaday Masjid la dhisaa.

Advertisement

3. Nin Lacag ka soo Xaday Masjidka kadibna, u qeybiyaya Masaakiin iyo Agoon.

Mar kastaba Ficilku Tuugo ayuu ku bilaawaday. Tuugadaa kee kuula roon?. (F.S:1-2aad)

Tuugo ka daran ayaa jirto, waa kuwee?

Nin ayaa Xafiis uu ka shaqeeynayay Hantidii Bulshada ka dhacay, Guri ayuu ku iibsaday, Waa ku qalabeeyay Gurigii, Gabar ayuu Xoolihii qaar ka dhiibay, kadibna Xoolihii uu Bulshada ka soo dhacay ayuu ku Guursaday, Caruurtii ayuu ku koriyay Hantidii uu soo xaday qeyb ka mid. (F.S:3-4aad)

Ogow, Hilib kasta oo jirkaaga ka mid ah ee ku koray Xaaraan, waxaa lagaaga jaraa, Maqas Naareed.

Ma loo cafi karaa?

Kii Hantida Bulshada xaday Waa Geeriyooday, Xisaabtii ayaa la soo hor dhigayaa, waa lagu maxkamadeynayaa. Xeer ilaaliyaha Dacwada ku soo oogaa waa Malag aan laaluush qaadan, Gal dacwadeedka uu ku hor keenayana khalad kuma Qorna. Eedeysanaha Qareen waxaa u ah isla isaga, Markhaati waxaa ah Xibniha Jirkiisa oo Goob joog u ahaa markuu Dambiga galayay. Waxaa Dambigiisa la saarayaa Miisaan aan dheeli khalad ah leheyn. Go’aanka waxaa gaarayo Caadil aan weligii khaldamin, Qofna aan Dulmin. Racfaan ma jiro, Laakin Cafis ayaa jiro haddii aad muteysato in Allaah ku siiyo.

Haddii aad imtixaankaa aad gudbi weeydo. Waxaa jiro Dab, Dab, Dah. (F.S:5-6aad)

Tuugaan Dambe, Dalka waa ku soo batay, Dad badanina Dambi uma maleeyaan, Hantida Dadweynaha ee Xilka lagu hoos xadayo.

Ar, Haleeysku badnaado, meel la isku soo jiro lama ogee, waa iga Talo.

Qore:Yahya Amir

Previous articleDowlada oo soo bandhigtay Sawirada meydadka iyo hub laga furtay Alshabaab
Next articleLafta-gareen oo Nairobi kula kulmay Safiirka Denmark

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here