Aadan Xasan Cabdiraxmaan oo ka tirsan wasaarada shaqada iyo shaqaalaha una fadhiya Safaarada Somaliya ee Qadar ayaa ka been abuuray safaaradaas, waxa uuna ku tilmaamay safiirka Somaliya ee Dalkaas mid la shaqeeya Al-shabaab.
Aadan Xasan Cabdiraxmaan ayaa ah shaqsi aqoon fiican aan u lahayn Dowladnimada, waxa uuna wada shaqayn la laha ama safaaradaas geeyay Madaxweynihii hore ee Somaliya Farmaajo, taasi oo la sheegay in ay safarada Gaystay mudo ka hor.

Aqoonyahada Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay wax lagu qoslo in Sarkaal ka tirsan safarada uu Warqad qoraal ah oo been abuur ah uu ka Sameeyo safiirka Cusub ee Somaliya u magacaawday Dalkaasi, Danjire Doodishe.

Advertisement

Aadan Xasan Cabdiraxmaan oo ka tirsan Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Dowlada Somaliya, una fadhiya safaarada Somaliya ee Qadar, joogay safaaradaas tan iyo Dowladii dhacday ee farmaajo ayaa ka been abuuray Safiir Maxamed Doodishe, taasi oo ah wax lala yaabo, hab dhaqanka Xun ee uu Sameeyay shaqsigaas oo aan sal iyo raad ku lahayd Dibulumaasiyada.

Aadan Xasan Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyay Wasiirkii hore ee Ammniga Qaranka haatana ah Safiirka Cusub ee Safaaradda Doxa-Qatar in uu la shaqeeyo Argagixiso.
Dhaqankan ayaa laga soo min guuriyqay Dowladii hore dhacday, waxayna taasi ay tahay wax lala fajaco. Xili dhaqan Xumada aadan ay la yaabeen aqoonyahada Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in Aadan Xasan Cabdiraxmaan ay gadaal ka riixayaan Xubno ka tirsan Dowladii Maxamed Cllaahi farmaajo oo caan ku ahayd dhaqanka been abuurrka ah. Gaar ahaan garbihii Farmaajo oo la sheegay in ay aadan Reer ahaan isku xigaan.

Previous articleGolaha Ammaanka oo meel mariyay qaraar ogolaanaya in Gar-gaar la gaarsiiyo GAZA
Next articleErgeyga Madaxweynaha muxuu kala hadlay Maamulka Galmudug+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here