GAZA (DAYNIIILE,COM)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar ku baaqaya in sare loo qaado gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza kadib dib u dhacyo badan.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa ka aamusay intii codayntu socotay, dhammaan xubnaha kale ee golaha ayaa u codeeyay.

Advertisement

Qaraarka ayaa sidoo kale  lagu xusay gar-gaar-ka in la sii marayo marinnada dhulka, badda iyo hawada – iyo in la dejiyo kormeerka Qaramada Midoobay ee gargaarka bini’aadantinimo ee la soo gaarsiiyay, intii lagu jiray kulan ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay.

Dhibaato badan ayaa dhanka bini’aadanimada ayaa laga soo sheegay Gaza iyadoo dhawan Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO Xafiiskooda GAZA  uu shaaciyay in dad badan ay gaajo la ildaran yihiin xili waliba cuduro ugu darsoomeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Lafta-gareen oo Xaflad u qabtay Ciyaartoda xulka Koonfur-galbeed+Sawirrok
Next articleSarkaal ka tirsan Wasaarada shaqada iyo shaqalaha oo sheegay wax lala yaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here