MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliska iyo Maamulka Degmada Dayniile ayaa maanta shacabka degmadaasi waxay kala qeybgaleen salaadii khudba jimcaadka ee maanta.
Masuuliyiinta ka qeybgashay ayaa kala ahaa Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Deyniile Gashaanle Axmed Yalaxoow iyo Gudoomiyaha Degmadaasi Sheekh Cumar Maxamuud Mahadalle kuwaasoo fagaare Degmada ku yaal kula tukaday boqolaal dadweyne xili amnigu yahay hagaagsan.
Maamulka iyo Hay’adaha amniga Degmada Dayniile iyo shacabka oo hal meel iskula sugan waxay muujineysaa isu-soo dhowaanshaha shacabka iyo hay’adaha Dowliga ah taasoo wax weyn ka sii tari karta in shacabku ku kalsoonaadaan masuuliyiintooda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM




All reactions:
Mohamed Hanad and 161 others