Dhuusa-mareeb (dayniiile.com)- Inta badan qeybaha bulshada Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa maanta shaqooyinkoodii oo dhan u joojiyay sideey uga xun yihiin falkii foosha xumaa ee xalay labada ganacsade loogu dilay Magaaldaasi.

shacabka ,bahda waxbarashada,waxgaradka iyo ganacsatada ayaa si ay u muujiyay inay xun yihiin falalkaasi dilka ahaa waxay maanta joojiyeen waxbarashadii,ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqyo kale.

Advertisement

Sidoo kale waxay isugu soo baxeen baxeen dibad bax ay ku miijiyeen sidaysan raaliga uga ahayn dilalka dadkaasi ganacsatadaa.

Guud ahaan waxaa maanta xiran goobihii ganacsiga iyo iskuuladii iyadoo ugu danbeyna dadku  u jiheysteen banaanbaxa.

inta badan dadkii hadlay waxay muujiyeen sideey uga xun yihiin dhacdadaasi foosha xumeyd ee kala geyneysa dadka walaalaha ah.

“shalay galab ayaan ka arinsanay sidii aan lacag iskaga aruurin laheyn lagu furo Kanaalka biyaha magaalada ka qaada, xalayna waa la dilay”ayuu yiri Guddoomiyaha Ganacsatada dhuusamareeb Cabdulqaadir Furre oo ka hadlayay dhacdada dilka

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa isna ka dhawaajiyay in sharaftii reer Dhuusamareeb uu dilay falkaasi.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb oo isna ka hadlay banaanbaxa ayaa sheegay  diyaar u yihiin in lasoo qabto gacan ku dhiiglayaasha oo sharciga la marsiiyo

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleCiidamada Milatariga oo Alshabaab kala wareegay deegaano hoos taga Xudur+SAWIRRO
Next articleCiidamada Boliis milataariya oo maanta fashiliyay qarax miino+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here