=XIGAASHO BBC SOMALI=

Gabadh caano cabaysa

Advertisement

Geelu xoolo kuma jiro! Waa odhaah caanka ah bulshada xoolo dhaqatada ah ee Soomaaliyeed, odhaahdaasi wayka mugweyn tahay dhihitaankeedda, sababtuna waa in geelu Soomaalida u yahay waxyaabaha ugu qaalisan noloshooda waana tan xorriyaddiiba lagu masaalay neef geel ah laguna heesay ‘‘aan maalno hasheenna maandeeq.”

Maandeeq oo magaceeduba mugweyn yahay waxa laga maali waa caanaheedee, dowladda Shiinaha ayaa dalab ay ku doonayso caanahii geela u soo gudbisay dowladda Kenya sida uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Kenya, Dr Erick Rutto oo sheegay in sanadkiiba dalka Shiinahu dalbanaayo 9 milyan oo litir oo caanahii geela ah.

Guddoomiyaha ayaana xusay in ay tani fursad weyn u tahay xoola dhaqatada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Waxuuna sheegay in suuqan diyaarsan ee lagu doonaayo caanaha geela ay ka faa’iidaystaan xooladhaqatada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Waxuuna xusay in sanadkiiba lacag u dhiganta 5.2 Bilyan oo lacagta Kenya ah, una dhiganta lacag ku dhow 40 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah ay sanadkiiba ka faa’iidi karaan suuqan.

Geel

Baahida caalamiga ah oo loo qabo wax soo saarka xoolaha ayaana guud ahaanba caalamka kordhaysa, xooladhaqatada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayayna tani u noqonaysaa suuq weyn oo muhiim ah ayna ka faa’iidaysan karaan.

‘‘Dalabkaan ka imaaday Shiinaha waa albaab weyn oo khayr ah oo u furmay xooladhaqatada gobolka Waqooyi Bari ku nool” Dubad Cali Camey Guddoomiyaha Guddiga Suuqgeynta Xoolodhaqatada Kenya oo nooga warbixiyay dalabkaan cusubi waxuu uga dhiganyahay Soomaalida ayaa sidaa yidhi.

Iibka caanaha geela ayaa ka noqday wax caan ah meheradaha ku yaala dalka Kenya iyaga oo noqda mararka qaar wax baraha bulshada hadal hayn ka dhaliya iyada oo ay dadku ka hadlayaan faa’iidooyinkooda.

Gaawe caano ah

‘‘Dowladda Kenya ayay tahay masuuliyad weyn in ay iska saarto maalgashiga xoolaha si dalabkaan looga faa’iidaysto” ayuu yidhi Dubbad Cali Camey oo ka hadlaya siyaabaha kala duwan ee arrintaan looga faa’iidaysan karo.

Waxuu sidoo kale sheegay in dalabkaan keliya uusan ahayn mid ay ka faa’iidaysan karaan xoolodhaqatada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ku nool oo kaliya, balse ay tahay fursad ay ka faa’iidaystaan Soomaalida oo dhan ee ku nool gobolka.

‘‘Soomaalidu waa dad karti badan, adduunkiina waxuu noqday buulo yar oo dadku isku xidhan yahay, waxaan xasuustaa 1964 imaanshahii ra’iisul wasaarahii Shiinaha Zhou Enlai booqashadiisii Soomaaliya uu ku yimid in qof Soomaali ah uu turjumaayay khudbadiisii – taasna waxay ka dhigan tahay Soomaalidu hadda ayay ka aqoon badan tahay xilligaas wayna tahay fursadaan in laga wada faa’iidaysto.” ayuu yidhi Dubdad oo faahfaahinaya sida dadka iyagana Soomaaliya ku nool iyagana arrintaan ay fursad ugu tahay.

Ka fa’iidaysiga mid ka mid ah suuqyada ugu ballaadhan ee caalamka oo laga helaayo dalab ku aadan caanaha geela ayaa guud ahaanba u noqon karta sabab weyn oo horseeda maalgashiga xoolaha siiba geela oo waayahii danbe dhaqashadiisa aysan sidii hore ku ahayn deegaannadda Soomaalida oo dhan.

Soomaaliyana waxaa la sheegaa in ay ugu horreyso adduunka oo dhan marka loo eego tirada geela la dhaqdo ee ku sugan gudaha dalka – waddamada Kenya, Djibouti iyo Itoobiya oo intuba Soomaalidu deggan tahay ayuuna geelu ka yahay xoolaha la dhaqdo kuwa loogu jecelyahay waxaana sababtiisa lagu sheegaa in uu yahay mid ka adkaysi badan guud ahaanba xoolaha kale.

       =XIGAASHO BBC SOMALI=

Previous articleJoi Biden oo Bilyanis hor leh ku taageeray hubka Israa’iil
Next articleXukuumada Somalia oo Mareykanka ku amaantay soo saarista ciidamada tayada leh ee Danab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here