WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u saxiixay Israa’iil xirmo gargaar ah oo dhan 26 bilyan oo dollar.
Lacagtaan ayaa ah mid dheeraad ah madaama Israa’iil tahay dalka ugu badan ee Mareykanka ka helo taageerada Milatari marka la eego dunida inteeda kale.
Sanad kasta Mareykanku wuxuu siiyaa Israa”iil 4 Bilyan oo taageero Milatari ah balse tani ayaa ah mid dheeraad ah.
Madaxweyne Joi Biden ayaa si cad u sheegay inay mar kasta u taagan yihiin inay xaqiijiyaan oo ku tageeraan wax kasta oo Israa’iil u baahan.

“Balan qaadkeyga Israa’iil waxaan rabaa inaan cadeeyo mar kale, waa mid bir ah amaanka israa’iil waa mid muhiim ah marwalabana waxaan hubin doonaa in israa’iil heysato waxay u baahan tahay si ay isaga difaacdo caddowgeeda Iiran iyo argagaxisada ay taageerto”ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka Joi Biden.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement

Previous articleKulan sagootin ah oo loo sameeyay Ergeyga Qaramada Midoobe+SAWIRRO
Next articleShiinaha oo dalbanaya malaayiin litir oo caanaha geela Soomaalida ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here