Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan sagootin ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Laing.

Wasiirka ayaa Ergeyga kala hadlay ka mirodhalinta dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka Khawaarijta iyo qorshaha ay ciidamada Qaranka ay mas’uuliyadda amniga dalka ugala wareegayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu gorfeeyay muhiimada kaalinta Qaramada Midoobay ee taageerada dib u dhiska Ciidamada iyo guud ahaan xasilloonida Soomaaliya.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWALDA=
May be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people and text
Previous articleMadaxweyne Xasan oo gaaray Dalka Tanzania+SAWIRRO
Next articleJoi Biden oo Bilyanis hor leh ku taageeray hubka Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here