Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey Magaalada Daressalam ee dalka Jamhuuriyadda Tanzania, halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah, kadib markii uu martiqaad ka helay Madaxweyne Samia Suluhu Hassan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Cadaaladda iyo Warfaafinta, ayaa inta uu joogo Tanzania kulamo la yeelan doonaa Madaxweyne Samia Suluhu Hassan iyo madax kale. Waxaa kale oo labada dal ay kala saxiixan doonaan heshiis iskaashi oo dhinacyo kala duwan leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku guda jiro booqashadiisa waxaa uu sidoo kale ka qeybgeli doonaa xuska sannadguuradii 60-aad ee ka soo wareegtay midowga dalkii hore loo oran jiray Tanganyika iyo Jasiiradaha Zanzibar oo markii dambe wada qaatey magaca Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania.
May be an image of 5 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 1 person and crowdMay be an image of 2 people and trumpetMay be an image of 3 peopleMay be an image of 9 people, car, road and text that says "SOMALIA"
Previous articleNairobi oo saameyn badan uu ku yeeshay roobabkii da’ay
Next articleKulan sagootin ah oo loo sameeyay Ergeyga Qaramada Midoobe+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here