NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Roobabkii ka da’ay Dalka Kenya gaar ahaan kuwa casimada Nairobi ayaa saameyn badan yeeshay iyadoo xaafadaha reer tabareedka ay isu badaleenm sida wabiga oo kale.

Fatahaadda  ay roobabku sababeey ayaa  gaaray heer aad u daran sida ay xuseen masuuliyiinta Magaalada Nairobi.

Advertisement

Robabkaani waxay sababaeen khasaare hantiyeed iyo xitaa mid nafeed sida wararky tilmaamayaan.

Warbaahin madax banaan ayaa sheegeen in dadka ku dhaqan xaafadaha isku raranta ah ee Mathare ay soo wajahday hoy la’aan markii biyuhu ugu galeen guryaha oo jiingado ka sameysan taasoo keentay inay seexdaan saqafyada guryaha habeenkii.

Boqollaal ka mida dadka ku dhaqan xaafadaha reer tabareedka ee Nairobi ayaa la soo sheegayaa inay qaarna barakaceen qaarna ku xayiran yihiin xaafadahooda.

daadka Kenya

Sida BBc-du sheegtay Qaramada Midoobay ayaaxustay  in ugu yaraan 32 qof ay naftooda ku waayeen roobabka guud ahaan  in ka badan 40,000 oo qofna lagu qasbay in ay guryahooda ka barakacaan roobabka iyo daadadka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Kenya

Previous articleFanaanada Ug-baad Aragsan oo Xabsiga laga sii daayay.
Next articleMadaxweyne Xasan oo gaaray Dalka Tanzania+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here