HARGEYSA (DAYNIILE.COM) Fanaanada caanka ah ee Ugbaad Maxamed Cabdi Aragsan ayaa duhurnimadii maanta xabsiga Hargeysa laga sii daayay.
Maxkamada Maroodi-jeex ayaa cadeysay in dacwadii lagu soo xirey ay Booliisku ka laabteen sidaas daraadeedna xoriydeeda loo celiyay.
Fanaanadaan oo la xirey 16-kii bishaan ayay Boolisku ku eedeeyeen falal anshaxa Islaamka ka soo horjeeda, ugu danbeyna maanta duhuadii ayaa laga sii daayay xabsiga Hargeysa.
Qareenada u doodaayay fanaanada iyo odey dhaqameedyada reerkeeda ayaa dadaal ku bixiyay sidii fanaanada lagu sii deyn lahaa ilaa ay kaga guuleysteen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleDuqa Muqdisho oo dhagax dhigay dib u dayactirka wadada dabka ilaa Dekada+SAWIRRO
Next articleNairobi oo saameyn badan uu ku yeeshay roobabkii da’ay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here