Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddada Laamiga Via Uganda oo ah wadada isku xirta isgoosyada Dabka iyo Dekadda Magaalada muqdisho.

Munaasabaddan dhagax-dhiga waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada iyo Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.

Advertisement

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ay sii socon doonan mashaariicda dhismaha waddooyinka Caasimadda, isaga oo sheegay in wadadaan ay muhiim u tahay isku socodka Bulshada iyo Gaadiidka badeecada ka qaada Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho.

Previous articleDowlada Somalia oo Dalka Canada kaga qeybgashay shir ay leeyihiin 170 Dal+SAWIRRO
Next articleFanaanada Ug-baad Aragsan oo Xabsiga laga sii daayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here