Garoowe (dayniiile.com)-    Siyaasiyiin iyo waxgarad reer Puntland ah ayaa isla soo qaaday in xaalada adag ee Pujntland ku sugan tahay darteed loo baahan yahay in xal loo helo.

Xubanaha shirkaan isla fahmay waxaa u badan siyaasiyiinta mucaaradka ee Puntland,xili khilaafadka iyo qalalaasaha siyaasadeed Puntland uu sii kordhayo.

Advertisement

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Farax Cali Shire islamarkaana , soo noqday musharax madaxweyne ayaa ku dhawaaqey waqtiga ay qaban doonaan shir ay ugu magac dareen shirka samatabixionta aayaha Puntland .

Farax Cali Shire wuxuu iclaamiyay in shirkaanui uu dhici doono 10-ka bishaan Oktobar hadii Rabi idmo.

Shirkaan waxaa la isla gartay in Magaalada Garoowe caasimada puntland uu ka dhaco 10-ka Bishaan xili xiisado siyaasadeedna ay jiraan.

Maaxweyne Dani ayay Mucaaradku nar kasta waxay ku eedeeyaan inuusan dooneyn doorsho inuu qabto taas badalkeedana uu rabo inuu mudo kororsi sameysto isagoo farsamooyin badan u maraya,

Lama yaqaan in waqtiga qolooyinka Mucaaradka ay qabsadeen inuu keeni doono iska hor imaad iyaga iyo Masuuliyiinta Puntland ee xiligaan hogaanka u haya Dowlad Goboleedka Puntaland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here