Advertisement

Shirkadda Dalkom, oo SOMALIA ku matalaysa Shirka Caalamiga ah ee Arrimaha Isgaarsiinta ee Africa Tech Festival 2023 oo Sanadkani ay ka qeybgalayaan 15,000 oo ergo ka kala timid Daafaha Dunida, ayaa horumarintooda isgaarsiineed kusoo bandhigtay Madasha CTICC ee uu Shirku ka socdo ee Magaalo-xeebeedka Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

 

Maamulaha guud ee Shirkadda Dalkom Somalia, Injineer Jaamac Maxamed, ayaa goobta ka sheegey Ahmiyadda uu kaqeybgalka Shirkani u leeyahay ka shirkad ahaan Maadaama ay yihiin Shirkadda kaliya ee SOOMAALIYEED ee adeegyadeeda isgaarsiineed gaarsiisa Dalal ka baxsan SOMALIA, sida Kenya, South Sudan iyo Wadamo kale oo badan.

Howlwadeenada Dalkom, ayaa kaqeybgalayaasha Shirkani Caalamiga ah barnaamij cajiib ah ugusoo bandhigay waxqabadkooda baaxadda leh ee heerka sare kusii tallaabsanaya sanadba sanadka ka dambeeya.

Dalkom Somalia, ayaa ah shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta xarigga ama Cable-lada Internetka ee Badda hoos-mara.

Sidoo kale Shirkad SOOMAALIYEED, ay Shir Caalami ah iyo 15-Kun oo Ruux ka dhex muuqato ayaa ah mid muhiim u ah Umada Soomaaliyeed oo ay wax badan ka qabataya shirkada Dalkom

 

Abdulrazak IndhaJaceyl

 

Magaalo-xeebeedka Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here