Muqdisho (dayniiile.com)-Waxaa maalintii labaad galay Shirka Wadatashiga ee qaab-dhismeedka amniga qaranka Soomaaliya iyadoo shalay la daah furey.
Shirkaan oo ka dhacaya Xarunta Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa beri lagu wadaa in la soo xiro.

shirka maanta waxaa looga hadlayaa miisaaniyadda ciidamada ee dhinaca amniga kaasoo laga doodi doono si la iskula meel dhigo.

Advertisement

Maxamed Cali Xagaa oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga ayaa ka hadlay shirka maanta furitaankiisa,sidoo kale waxaa ka hadlay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda C/qafaar Cilmi Xaange, taliyeyaasha ciidamada Booliiska dowlad gobaleedyada xubinta ka ah faderaalka iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan waxaa shalay ka soo qeybgalay Ra’iisulwasaare xigeenka Dalka iyo Taliyha guud ee Booliiska Soomaaliya Jen Sulub.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada Kenya oo Xaflad sagootin ah u sameysay Danjirre Tarsan+Sawirro
Next articleGudoomiyaha Degmada Kaxda oo maanta furey Wado cusub oo muhiim u ah dadweynaha+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here