Waxaa goor dhaw oo maanta la daah furey Wado jay ah oo aad muhiim ugu ah shacabka ku dhaqan Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xariga ka jaray Waddaasi oo laga hirgaliyay Waaxda sedexaad ee Cumar Fiyasko ee Degmada Kaxda.

Advertisement

Wadaadan oo dadku dhib ku qabeen marideeda ayaa lagu wadaa inay noqoto mid ka qeyb-qaadata fududeynta isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Degmada Kaxda.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay ayaa ugu baaqay waaxyaha kale inay ku deydaan sida waaxda Cumar Fiyaasko oo ay ka qeybgalaan horumarinta wadooyinka Degmada kaxda.

“Waxaan uga mahadcelinayaa reer waaxda Cumar Fiyaasko sidii ay usoo bandhigeen dhismaha wadadaan oo ugu danbeyna maamulku ku guuleystay furista wadada,waxayna ku timid aragtida iyo soo jeedinta waaxdaasi”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Kaxda Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan

Si kastaba Guddoomiyaha Degmada Kaxda ayaa kula dardaarmay shacabka in ay ilashadaan wadooyinka marka la dhiso kadib.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleShirkii Booliiska u socday oo galay maalintiisa labaad+SAWIRRO
Next articleMilatariga Somalia oo gurmad u fidiyay shacabka Baydhaba roobabka dartood+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here