Al Shabaab ayaa billaabay inay dardar galiyaan qoritaanka ajaaniibta dalalka dariska la ah Soomaaliya, iyadoo ay yaraadeen dadka Kenyanka ah ee ku biiraya kooxda, sida ay sheegeen sirdoonka Kenya.

Laba nin oo Tanzanian ah ayaa lagu qabtay Gaarisa Arbacadii lasoo dhaafay, xilli ay u socdeen inay ku biiraan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Advertisement

Waxay ahayd markii saddexaad oo sidan oo kale ah loo xidho ajaaniib doonayey in ay qortaan muddo bil gudaheed ah

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in tirada dadka Kenyaanka ah ee kusoo qulqulaya Soomaaliya ay hoos u dhaceen, kadib markii ay ogaadeen in lagu khiyaamaynayo ballanqaadyo lacageed iyo taageero qoys.

Sirdoonka Kenya waxay sheegeen in ay ogaadeen isbeddelka Shabaab ku balaarinayo qoritaanka ajaanibta gobolka iyadoo dad badan oo aan Kenyan ahayn ay u safrayaan si ay ugu biiraan Al Shabaab ama Daacish.

Nin u dhashay dalka Uganda ayaa dhawaan lagu xiray magaalada Libooye isagoo ku sii jeeday Soomaaliya. Booliska ayaa sheegay in arrintan ay ku suuragashay wadashaqeyn dhexmartay hay’adaha amniga iyo bulshada.

Qaar ka mid ah ajaaniibta ku biiraya kooxaha argagixisada sida kooxaha Shabaab iyo Daacish ayaa loo isticmaalaa weerarada is qarxinta, sida ay saraakiishu sheegeen

Previous articleMooshin isla xisaabtan ah oo lagasoo gudbiyay guddoonka golaha shacabka
Next articleWar farxad leh oo ku saabsan daabicista Shilin Soomaaliga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here