NAIROBI (DAYNIILE.COM)- Wiil 15 jir Soomaali ah ayaa xalay iska soo tuuray dabaq 15 biyaano ah oo 010ku yaal IMagaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya gaar ahaan Xaafada Islii ee Soomaalidu degto.
Wiilkaan oo hada uu soo qaan-gaaray ayaa isu dilay sida aan warka ku helnay kadib markii uu ka carooday canaanta hooyadiis iyo wiil la dhashay oo ka weyn.
Warar ku dhaw dhaw dariskiisa ayaa sheegaya in wiilkaani aad u jeclaa kaxaynta gaadiidka wuxuuna kireysan jirey baabuurta raaxada kadibna wuu isaga wareegi jirey balse xalay intuusan is dilin ka hor ayaa waalidkiisa iyo walaaalkiisu ka celiyeen inuu gaari kireysto.
Wararku waxay intaasi ku dareen in  xalay markii loo diiday uu ka carooday talaabadaasi kadibna uu fuulay dabaqa ay degan yihiin oo 15 biyaano ahaa kadibna uu iska soo tuuray sidaasna ku geeriyooday.
Hay’ada danbi baarista Kenya ayaa meydka la wareegtay waxaana lagu wadaa baarid kadib in qoyskiisa loo fasaxo inay duugtaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleWararkii ugu danbeeyay Xaalada Qaza
Next articleWasiirka Amniga Somalia muxuu kala hadlay Wakiilka Midowga Afrika iyo ATMIS+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here