QAZA (DAYNIILE.COM)-Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 42 qof lagu dilay 63 kalena la dhaawacay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Ciidamada Yahuudda ayaa askar badan geeyey deegaanada ku teedsan degmada Rafah waxayna burburiyeen dhul beereed ku yaala bariga degmadaas.

Advertisement

Mareykanka ayaa mar kale adeegsaday awoodiisa diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si uu u hor istaago Falastiin oo si weyn loo taageeray dalabka ah in ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay.

Tallaabadaas oo madaxtooyada Falastiin ay ku sheegtay in ay tahay caddaalad darro, anshax darro iyo qiil la’aan.

Ugu yaraan 34,012 qof ayaa lagu dilay 76,833 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo xeelad u adeegsaday inuu ku dejiyo xiisadii ka taagneyd dhismaha xerunta Dab-damiska
Next articleWiil Soomaali ah oo xalay iska soo tuuray dabaq 15 biyaano ah Xaafada Islii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here