MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa Maanta Muqdisho soo gaaray wuxuuna si xeeladeysan u dejiyay xiisad ka taagneyd xarunta Dab-damiska oo dadka degan Dowladu ku amartay inay ka guuraan islamarkaana ay diideen iyagoo ka hor yimid amarka Dowlada.

Shacabka ku dhaqan xeruntaasi oo ka soo hor jeeda Say-biyaano ayaa go’aansaday inay la hor tagaan lana dagaalaan ciidamada Booliiska oo iyaguna sabtida beri ah qorshahoodu yahay inay xoog uga saaraan.

Advertisement

Hadaba Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la kulmay odayaal ka soo jeeda reerkiisa kuwaasoo degan xarunta dam-damiska wuxuuna ka dhagetstay cabashadooda kadibna wuxuu ugu laab qaboojiyay inay is dejiyaan.

Qoor Qoor wuxuu intaasi ku daray inuu Madaxweyne Xasan u tagaayo si loo baajiyo duulaanka ciidamada Booliiska ay ku doonayaan inay xoog uga saaraan xaruntaasi.

Sidoo kale Odayaasha wuxuu sheegay inay iyaguna ka foogadaan wax kasta xiisad kicin kara.

Wararka qaar oo laga helayo xaal mastuurka Qoor oor ayaa sheegaya inuu ku guuleystay in mar kale dib loo dhigo raafka shacabka ku dhaqan xarunta Dab-damiska si iyadoon xiisad iyo dhibaato dhicin xal loogu helo in halkaasi oo hanti qaran ah loo baneeyo.

Taliska Booliiska wali kama hadlin wararkan soo baxay ee sheegaya in arinta si hoose loo qaboojiyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleKenya oo baareysa sida uu ku yimid shirkii diyaaradeed ee Janaraalku ku dhintay
Next articleWararkii ugu danbeeyay Xaalada Qaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here