Warar ku dhaw dhaw Dowlada Kenya ayaa sheegaya in Dawladdu koox baarayaal ah u dirtay burburka diyaaradda ay ku dhinteen Janaraal Francis Ogolla oo ahaa taliyihii ciidamada qalabka sida iyo 9 ruux kale oo la saarnaa diyaarada kuwaasoo qaarkood ciidamo ahaayeen.

Madaama  Illaa hadda aan la ogeyn sababbaha keenay burburka diyaaradda oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka ayaa loo maleynayaa sababta keentay baaritaankaan.

Advertisement

Meydka Janaraalka waxaa la sheegay in lagu aasi doonaa maalinta Axadda ah hoygiisa oo ku yaala galbeedka ismaamulka Siaya, sida laga soo xigtay qoyska Janaraalkaan oo bishii Apriil 2023 xilka Taliyaha loo magacaabay.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku tilmaamay geerida Janaraalka mid murugo ku riday wadankiisa,wuxuuna ku dhawaaqay sedex beri oo baroor diiq ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDEG DEG: Dowlada Somalia oo dib u dhigtay shirkii Golaha Wada-tashiga
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo xeelad u adeegsaday inuu ku dejiyo xiisadii ka taagneyd dhismaha xerunta Dab-damiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here