Warbixin ku saabsan xaaladda Itoobiya oo ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu faahfaahiyay xad gudubyo ka dhan ah dadka rayidka ee ay ka qeyb qaateen ciidmada Itoobiya sannadkii 2023.

Warbixinta oo wadata caddemyo iyo marqaatiyo waxay muujineysaa in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb qaateen falal arxan darro ah oo isagu jira dil, kufsi, dhac, xarig sharci darro ah iyo caburinta siyaasiyiinta iyo Wariyaasha.

Advertisement

Warbixintu waxa ay sdioo kale sheegtay in dadka rayidka lagu qasbay in ay ka cararaan deegaanadooda kadib marki lagu sameeyay midab takoor.

Ciidamada amaanka Itoobiya ayaa ka qeyb qaatay dilka 23 qof oo rayid ah kuwaas oo goob qura ah oo ka tirsan gobolka Oromada lagu dilay bishii January ee sannadkii tegay.

Waxa jira Saxafiyiin iyo Siyaasiyiin kasoo horjeeda siyaasadda Abiy Axmed oo lagu xiray goobo qarsoodi ah, iyaga oo aan lasoo taagin maxkamad sidoo kalena loo diiday inay la kulmaan qoysaskooda.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay waxa ay xaqiijisay in dowladda federaalka Itoobiya ay ku fashilantay inay wax ka qabato xad gudubyada lagula kacaayo dadka aan waxba galabsan.

XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA

Previous articlefadeexada Gobolka Hiiraan iyo 18 isbaaro
Next articleWafdi ka socda Hay’ada maareynta Masiibooyinka oo gaaray Baydhaba+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here