BAlADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Waxaaa soo baxaya fadeexad soo wajahday reer Hiiraan  markii xaalada Amni uu faraha ka baxay xili xadka ay ka baxeen isbaarooyin ay maleeshiyaad gaadiidka lacago baada kaga qaataan.
Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in 18 isbaaro ay taal meelo kala duwan  sida Baladweyne gaar ahaan bari iyo qoraxsin ilaa Matabaan.
Hirshabelle oo 2 Isbaaro lagu sheegay maahee 16-ka kale waxaa la sheegay inay u taal Hiiraan Satate iyo Maleeshiyo Beeleed reer Hiiraan ah.
Baladweyne qoraxsin waxaa yaal sedex isbaaro oo kaliya mid hirshabelle ah iyo mid Hiran state ah kuwaasoo labaduba ay maamulaan maleeshiyo beesha Gaaljacel ka wada tirsan iyo isbaaro beesha Jejeele la sheegay inay u taal.
Isbaarooyinka ugu badan waxay yaalaan bariga Baladweyne Haba ugu badnaadaan Hiiraan State, sidoo kale waxaa warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/llaahi Sufurow ay isbaaro qaasa u taal.
Dhibaatooyinka is baarooyinkaan kuli lacagaha baada ah lagu qaado  bilahaan danbe waxay Gobolka ku keentay sicir barar dhanka maciishada raashinka ah madaama gaadiidkii raashinka ka keeni jirey Dekada Boosaaso iyo Xamar  la socon waayeen isbaarooyinka.
Si kastaba madaama dhawaan Taliyaha NISA loo magacaabay C/laahi Sanbaloolshe oo reer Hiiraan waxaa la is weydiinayaa muxuu ka badali karaa dhibaatada Hiiraan laga soo sheegayo xili uu bilaabay socdaalo uu gobolada dalka ku tagayo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleXOG: Maxaad kala socotaa xiisada Mareykanka iyo Wasaarada Difaaca Somalia
Next articleMareykanka oo ku dhaliilay askarta Itoobiya ku tumashada xuquuqda aadanaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here