MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xiisad culus uu ka dhex qarxay Dowlada Somalia iyo Dowlada Mareykanka kadib markii lagu eedeeyay Wasaarada Gaashaandhiga Somalia in la leexsaday raashinkii gunada u ahaa ciidamada Xoogga ee Dowlada Somalia  gaar ahaan kuwa Danab.
Dowlada Mareykanka ayaa la sheegay inay joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay Ciidamada Kumaandooska Danab oo Mareykanku awalba si qaasa gacanta ugu hayeen tababarkoda, maal gelintooda iyo qalabeyntooda.
Masuuliyiin sar sare oo wasaarada gaashaandhiga ka tirsan iyo hogaanka Ciidamada ayaa lagu wadaa in arintaani dabada la gasho madaama Mareykanku Dowlada Somalia ka dalbaday inay baaritaan rasmi ah sameyso si loo soo qabto dadka ka danbeeya lunsashada raashinka Ciidamada.
Mareykanka xitaa wuxuu shuruud kaga dhigayaa hadii ay sii wadayaan taakulada Ciidanada Danab in marka hore maxkamad la soo taago kuwa lunsaday Ciidamada gubadooda.
Warar kale oo aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in fadeexadaan ay suurtagal tahay inay la degto wasiirka gaashaandhiga wasiirka gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Ibrahim Sheekh Muxudiin hadii Madaxweyne Xassan baaritaan sax ah uu sameeyo sida Mareykanku dalbanayo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleTirada dadka ku dhintay Roobabka Maamulka Somaliland
Next articlefadeexada Gobolka Hiiraan iyo 18 isbaaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here