Taliyaha ciidanka dab-damiska Maamulka  Somaliland Axmed Maxamed (Sawaaxili) ayaa  wareysi uu siiyay idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga wuxu kaga hadlay khasaaraha nafeed ee ka dhashay daadadka iyo baliyada ay roobabku sababeen..

Taliyaha wuxuu sheegay in balliyada iyo goobaha biyo-mareenada ah ay ku geeriyoodeen guud ahaan Somaliland Allaha u naxariistee 64 ruux.

Advertisement

Sarkaalkaan oo sii sharaxayay meelaha ay ku kala dhinteen ayaa qaar ka  sheegay sida Caasimada Maamulka Somaliland oo ay ku dhinteen 14 ruux ,Gabileey 4 ruux,Burco 2 ruux.

Sidoo kale sarkaalka wuxuu tilmaanay in Magaalada Ceeri-gaabo ay ka soo bad-baadiyeen laba ruux.

Dhanka kale kooxda gurmadka waxay shacabka ku eedeeyeen inay la soo daahaan wargelinta marka qof ku dhaco bali oo ay saacado kadib soo sheegaan markaasoo kooxda gurmadku naftooda halis gasho waxay soo bad baadiyaan iska daaye.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleLaba Askari oo dil qisaas ah lagu fuliyay Gal-mudug+SAWIRRO
Next articleXOG: Maxaad kala socotaa xiisada Mareykanka iyo Wasaarada Difaaca Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here