GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Laba askari oo hore u dileen askar kale ayaa saaka waxaa dil toogasho ah ku fuliyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta Galmudug.

Dilkaan qisaasta ahaa ayaa lagu fuliyay  labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya kadib xukun dil ah oo hore loogu qaaday.

Advertisement

Allaha u wada naxariistee Dable Cabdikaafi Cali Cabdulle ayaa horay u dilay Cadnaan Cali Salaad, sidoo kale Iidle Cumar Idiris oo Gorgor ka tirsanaa ayaa asna hore u dilay Bilan Xaashi Salaad.

Guud ahaan Maamul Goboleedyada Dalka ayaa leh Maxkamadu ciidan oo qaada xukunada askarta marka ay dhexdooda is dilaan si la mid ah mida Dowlada dhexe ee xarunteedu tahay Caasimada Dalka ee Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleCali Guud-laawe muxuu kala hadlay Danjiraha Qaramada Midoobe+SAWIRRO
Next articleTirada dadka ku dhintay Roobabka Maamulka Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here