Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Amb. Catriona Laing.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka dhageystay warbixin ku aadan howlaha UN-ka ee deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

Advertisement

Waxa kale oo ay sheegtay inay u diyaar-garoobeen cabsida Elnino ee ku aadan xilliga roobka Gu-ga oo iminka ka curtay degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.

“Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee Hay’addaha Qaramada Midoobe, waxaan ku faraxsanahay inaan wadajir uga wada shaqeyno howlaha hor-tebinta inoo leh.”

Ugu dambeyn madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay Amb. Catriona Laing oo dhawaan dalka ka tagi doonto.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur

 

Previous articleNasashada Jimcaha. iyo Sheeko Cajiiba
Next articleLaba Askari oo dil qisaas ah lagu fuliyay Gal-mudug+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here