Qore: Yahya Amir

Nasashada Jimcaha. Q-406 

Advertisement

1. Wadanka Australia ayaa Ardaydii waxa ay bilaabeen in ay ka soo daahaan Fasalada. Sharciga Dalkuna ma ogolo in Ardayga la garaaco, lamana eryi karo. Waxaa la fikiray Ciqaab kale, waxaa la yiri: Ardaygii fasalka ka soo daaho ha lagu ciqaabo in uu cuno xabad Rooti ah oo aad u adadag. Ciqaabtaa Ardaydii wey dhibsadeen, mar dambena kama soo daahin fasalkii.
Khibraddaa lagu guuleystay ayaa la yiri: Halagu tijaabiyo Ardayda Fasalada ka soo daahdo ee Dalka Zimbabwe ee Africa. Ardaydii oo dhan ayaa Fasaladii ka soo wada daahday. Si ay u helaan Rooti Quraac ah. ( F.S:1aad)

( Walaalaheena Qurbaha ka yimidoow, Xafiisyadiina ha ku Tijaabinina Wax yaaba aad Qurbaha ku soo aragteen)

2. Wakhtigii Kacaanka ayaa Nin looga yeeray Xaruntii Degmada Yaaqshiid. Markuu tagay ayuu yiri: Aryaadha Beriga Xaad iga Rabtiin oo Rabtaan la ii keenay?
Mid kaadariintii Kacaanka ahaa oo Xafiiska Madax ka ahaa ayaa yiri: war Warkaagaba garan meeyno, Hadalkii Badawda ayaad ku hadlee.
Ninkii oo xanaaqsan ayaa Farta ku fiiqay Sawirkii Jaalle Siyaad oo kaadarka Gadaashiisa surnaa. Kuna yiri: Kaadaroow Xafiiskaan waxaad sii fadhinee intaan Masawirkaa Gadaashaada suran ka fujinaa.
Ninkii Baadiyo ayuu iska aaday, waxa uu arkay Jabhado leh Jaalle siyaad ayaan ku duuleeynaa. Waxa uu yiri: waa idin raacaa, Anniga Jaalle Siyaad wax igama haleeyn ee Sawirkiisa ayaa wax iga haleeyay. Markii Jabhadihii Xamar soo galeen Ninkii waxa uu toos u tagay Xaruntii Deg. Yaaqahiid. Sawirkii ayuu ka soo fujiyay, Laakin kaadarkii mar hore ayuu Xafiiska ka cararay. ( F.S: 2-3aad)

( Maantana waxaa Xafiisyada ku badan Dad, Madaxda iyo Shacabku iyaga oo aan is arag iska hor keenayo)

3. Nin ayaa yiri: Yaxya Caamirow, Dadkii hore ee dhintay maxaad wax uga sheegtaa? Yaxya ayaa yiri: Odayaashii Daarood iyo Hawiye ee Maalin kasta aad wax ka sheegeeysiin soow Meyto ma ahan. Anigu Taariikhdooda ayaan wax ka qoraa, ama Hal abuur turaale Cilmiyeed ah ayaan u soo qaataa, laakin Adinku Meytada waad ceeydiin.

( Qowlkiisaa la mac, Qoraalkaaga la xun, Dhag jalaq ha u siin)

4. Nin ayaa yiri: yaxyow waxaa tahay Qabyaaladiiste, yaxye ayaa yiri: Adiguna marka laga hadalayo Qabiilkaaga waxaad noqotaa Qabyaaladiiste, marka Qabiil kale laga hadlaayana waxaad tahay Mr. Qaran . Mid kale ayaa yiri: Yaxyow, Somalidu Qabyaalad ma aqoon ee Adinkaa bilaabay oo Xamar ayaad Dadka u sheegataan.

Yaxya ayaa yiri: Bilaabay aa!!!. Horta Qof looma sheegane Ha igu xakumin Deegaankeeyga ayaa lagu yiri, Adiguba waad ii Diiday kaagee , Qabyaaladdana Asalkeeda, Adigaa noo keenay. Sanadkii 1969kii intii ka horeeysay, Dalku waxa uu ahaa 8 Gobal, Gobal kasta waxaa uu lahaa Magac Deegaan, Hal Gobal ayaa lahaa Magac Qabiil, waa Gobalkii Majeerteenya, oo Xafiisyada iyo qoraalada Wasaaradda Arimaha Gudaha Magacaa ayaa ugu qornaa, Been miyaa?. Kacaankii ayaa bedelay. Xattaa Deegaanka somali galbeed oo somali badani ku nooshahay waxaa u Qornaa Gobalka Ogadeen, Kacaankii ayaa u bedelay Somli Galbeed.
Gobal iska dhaafe, Orod yahankii Md. Waasuge ayaa keenay Billaddii ugu horeysay ee Africa ee aan ku guuleysanay . Lamana sheego, laakin Cabdi bile Cabdi oo keenay Billad kale ayaa la sheegaa. labaduba waa ku mahadsanyihiin Guushaa. Taariikhda dhinac ka raran hadaan ka hadlana waxaan ahay Qabyaaladiiste, waxaadna leedahay Aqoonyahankii hadduu sidaan u hadalayo Jaahilkii ka waran. ” Jaahilku waaba hadalyay oo waa Adiga, waxaad Adigu sameynee ayaad walaalkaa ku dhaliilee. ( F.S: 4aad)

( Taariikhda yaan Been laga sheegin, Qofkii Runta sheegana ayaan la dhihin Qabyaaladiiste ee si degan oo walaalnimaa aan wax isku warsano. Qumayo intii aadan Qumayo dhihin ayeey Adiga Qumayo ku tiraa, naga dhaafa)

5. Shimbirta marka dhagax lagu tuuro ayeey haadaa. Tukuhu marka aad dhagax haabato ayuuba hore u sii duu’laa. Waa taxadar badan yahay.

( Anaga waxaa noo joogo Maamul Gobaleedyada, Mid madixiisa ay Dhagaxyo shacabku hore ugu tuureen oo jirkoodu Dareen beelay, waa madax mar hore “” Janaasad Siyaasadeed loogu Tukaday””, welina soo taagan, sida Tukahana uma taxadaraan. Haddey Tuke ahaan lahaayeen Taalo ayaan u dhisi leheyn sida Dadka Rer Cyprus. ( F.S:5-6aad)

6. Shalay wakhtigii Kacaanka dhaliyarada qaar ayaa dhihi jiray: Aabaheey iyo Hooyadeey waa kacaan diid sidaana ku Dacwey jiray. Maantana Waxaa bedelay dhalinyaro leh: Aabe iyo Hooyo waa murtadiin, waa Mucaarad, waa Suufiyo Asal raac ah, waa muxaafid war moog ah. Waalidkeey Bulshada halaga qabto, dhaqankii hore ayuu weli wataahe.( F.S:7aad)

( Ubadka Tarbiyadooda Allaah ha noo toosiyo, Aduunyo Aduunyo Gadaal u xun )

Qore: Yahya Amir

Previous articleDeegaan dhawaan laga saaray Alshabaab oo xarun Caafimaad laga furey+SAWIRRO
Next articleCali Guud-laawe muxuu kala hadlay Danjiraha Qaramada Midoobe+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here