Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku Qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa wada hadlay wada-shaqeynta dhinacyada amniga iyo la dagaallanka Argagixisada, iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga amni ee labada dhinac, isla markaana si joogto ah ay u kala warqaadan doonaan hey’adaha amniga, si loo helo Soomaaliya xasilloon oo ka caaggan Khawaarijta.

Advertisement

General Fartaag Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa uga mahadceliyey howlgalka ATMIS doorka ay ka qaataan sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa argagixisada diiddan horumarka iyo amniga Soomaaliya.

Previous articleWiil Soomaali ah oo xalay iska soo tuuray dabaq 15 biyaano ah Xaafada Islii.
Next articleCaruur isla dhalatay oo roobabka dartood ugu geeriyooday deegaanada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here