Soomaali ku dhaqan gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka ayaa ka bad baaday isku day dil oo lala damacsanaa.

Ninkaan oo lagu magacaabo Cismaan Cali Axmed kana mida jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa la isku dayay in gaari lagu dilo.

Advertisement

Nin Cadaana ayaa isku dayay inuu gaari dul marsiiyo Cusmaan Cali Axmed Cirro xili uu maraayay afaafka hore ee masaajid ku yaalla Minnesota.

Booliiska Gobolka Minnesota ayaa sheegay inay soo qabteen eedeysanaha oo ay magaciisa ku sheegeen James Suttles kaasoo xabsiga loo dhaadhiciyay.

Cusmaan Cirro waxaa soo gaaray dhaawac fudud oo jilibka iyo sinta ka soo gaaray intuu ka car cararaayay gaariga markii uu dhulka ku dhacay.

“Gaari aan watay ayaan ku baakimay masaajidka oo aan rabay salaadii subax inaan ku tukado,balse markii aan iska xirey albaabka gaariga ayaan waxaan arkay gaari dhankeyga soo aaday,  waxaan markii hore u fahmay inay yihiin burcad dhac u socota balse markuu gaari xowligiisa kordhiyay ayaan dareemay inuu aniga ii socdo markaas ayaan ka cararay”ayuu yirj Cusmaan Cali

Dhaawac fudud ayuu sheegay inuu ka soo gaaray jilib iyo sin mar uu dhacay;wuxuu intaasi ku daray inuu dhanka masjidka u baxsaday.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here