Bariga Magaalada Laascaanood gaar ahaan buurta Maraaga waxaa ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo SSC-Khaatumo waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac & khasaara hanti sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Dagaalkaan ayaa billowday saakay markii uu waaga-baryay, waxaana xalay waqti dambe la maqlayay Rasaas goos-goos ah oo dhinacyadaas is hor fadhiya ay isku ridayeen sida aan kasoo xiganay dadka deegaanka.

Advertisement

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa soo bandhigay Gawaari dagaal oo uu sheegay in uu ka qabsaday oo qaarkood ka gubay Ciidamada Somaliland halka ay gacanta ku dhigeen xerada Maraaga oo saldhig u ah Ciidanka kasoo horjeeda.

Qoraal kasoo baxay maamulka SSC-Khaatumo ayaa Xukuumadda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi lagu eedeeyay in ciidankiisa ay duullaan ka qaadeen dhinacyada Bari & Galbeed ee Magaalada Laascaanood balse ‘Khasaara xooggan lagu gaarsiiyay’ waa sida hadalka loo dhigay.

Jaamac Yaasiin Warsame oo ah Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Maamulka SSC-Khaatumo ee dhowaan looga dhawaaqay Magaalada Laascaanood ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka uu sii socon doonno illaa inta ciidanka Somaliland laga saarayo deegaannada ay joogaan waa sida uu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here